Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Gudidda Joogtada ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Gudidda Joogtada ah
GudahaWararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Gudidda Joogtada ah

By SB
Last updated: July 4, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ku qabsoomay xarunta guddoonka Iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa ugu horeyn xubnaha Guddiga Joogtada u faahfaahiyay safaro mudadii uu goluhu xirnaa ku tagay dalka Turkiga halkaas oo uga qeyb galay shir caalami ah oo arrimaha Falastiin looga hadlayay isaga oo sheegay in shirkaasi Soomaaliya ay ka cadeysay mowqifkeeda ku aadan qadiyada Falastiin.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa faahfaahin ka bixiyay safar isaga Iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen wadanka aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu kulamo mira dhal ah kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti iyo madaxda kale ee wadankaasi.

Dhinaca kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu uga qeyb galay kulankii 17-Aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), kaasoo looga hadlayay xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta ajendayaasha ururka, waxaana Guddoomiyaha uu shirkaasi ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay muhiimadda Soomaaliya ay u leedahay ku biirista ururka gaar ahaan kaalinta kaga aadan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo xulo xubnaha Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday furitaanka kalfadhiga shanaad ka dib ajendayaasha horutabinta u leh fadhiyada guud ee Golaha Shacabka, waxaana Guddoomiyaha oo kulanka soo xiray uu kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in ay xooga saaraan howlaha baaxada leh ee Golaha horyaala kalfadhiga shanaad si looga shaqeeyo shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka shiraya Sharciga doorashooyinka qaranka

Muqdisho.(SONNA)...Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in markale ay ka doodaan hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka…

Wararka
December 10, 2019

BJFS oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka KMG ah

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay…

GudahaWararka
March 6, 2024

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo burburiyay 2-diyaaradood oo kuwa Droniska ah

Ciidamada Isbaheysiga ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay burburiyeen labo diyaaradood oo nuuca Darooniska ah…

Wararka
November 6, 2020

Sanadka 2023 wuxuu noo yahay Sanadkii adeeg bixinta Dowladda (Warbixin)

Muqdisho(SONNA):-Hanaanka Dowlad dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo soo maray heerar kala duwanaa kuwaas oo lahaa caqabadahooda ayaa marwalba ahaa mid…

GudahaMaqaalladaWararka
January 3, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023