Ceeldheer(SONNA):-Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa maanta markii ugu horeysay looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey Khawaarijta arxanka daran.
33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo Khawaarijta ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.