Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Bangiga Adduunka oo soo saaray Warbixinta Sanadlaha ah ee Hurmarka Dhaqaalaha Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Bangiga Adduunka oo soo saaray Warbixinta Sanadlaha ah ee Hurmarka Dhaqaalaha Soomaaliya
GudahaWararka

Bangiga Adduunka oo soo saaray Warbixinta Sanadlaha ah ee Hurmarka Dhaqaalaha Soomaaliya

By SB
Last updated: June 20, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA(:-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ayaa sanadkaan diirada lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinkii iyo caqabadaha ay leedahay Isbeddelka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan ka saamasay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan lagu soo bandhigay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2024. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyadoo sidoo kalena guullo waa wayna ay ka samaysay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Warbixintiisa 9-aad taasi oo lagu soo bandhigay sidoo kalena lagu gorfeeyay halista isbeddelka cimilada iyo sida ay Soomaaliya samayn dhinacyo kale duwan ah ugu yeelatay.
Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo ka dhashay xiisadaha Gobolka gaar ahaan Badda Cas, dagaalka Ukrian iyo cimilada kulalanaysa”,ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbixinta la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka uu soo bandhigay ayaa lagu xusay in korarka dakhliga gudaha uu kordhay sanadkaan boqolkiiba 3.7% halla Warbixintu odorastay in sanadka 2025 uu kordhayo boqolkiiba 3.9%. Sanadkii hore 2023 ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbxinta inuu boqolkii 3.1% korar ah uu sameeyay dakhliga halka 2022 uu gaaray boqolkiiba 2.4%. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuucda kale ee muhiimka u ah Nidaamka Guud ee Maamulka Maaliyadda taasi oo keentay korar dakhliga gudaha.

Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qiimayo heerka xaalada horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo caqabadaha jira,sida loo dhaqangeliyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha kale ee muhiimla ah u ah Maaliyadda Guud.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo si rasmi ah u furay Maalinta Soomaaliya ee Bandhigga Adduunka Expo 2025 oo lagu qabtay Osaka

Osaka, (SONNA) – Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa si rasmi ah u…

GudahaWararka
October 5, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Muqdisho, SONNA:– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar…

GudahaWararka
May 19, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Turkiye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee…

Gudaha
October 25, 2024

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad oo shir caalami ah uga qaybgalay Sucuudiga

Riyaad (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb-galay Kalfadhiga 21-aad ee Shirweynaha guud ee…

GudahaWararka
November 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023