Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Guddoomiyay kulanka banbaxa Guddiga Joogtada oo ku qabsoomay magaaladda Kismaayo ee xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay in mudada ay socdaan kulamada si mira dhal ah looga doodo ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee horyaalla golaha Shacabka.
Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee golaha Shacabka ayaa ka dooday sida loo wajahayo kulamada Guddiga Joogtada ah ee todobadka soo socda ka socon doona Kismaayo, waxaana kulamadaas looga doodi doonaa jadwalka kalfadhiga shanaad ee golaha Shacabka.
Dhinaca kale,Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Sheekha Aadan madoobe ayaa xalay kulan gaar ah Magaalada Kismaayo kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyomasโuuliyiin kale.
Kulankaasi waxaa labada dhinac ay kaga wadahadleen qodobbo ay kamid ahaayeen,howlgalada ciidan ee ka socda Jubbooyinka,soo celinta amniga, dardargalinata ,wadashaqeynta maamulada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Guddoomiyaha BFS Sheekh Aadan Madoobe oo kulankaasi ka hadlay ayaa yiriโWaxaan goโaansanay in shirarka guddigga joogtada ee golaha lagu qabto gudaha dalka , halka markii hore lagu qaban jiray dibaddaโ.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka dowlad goboleed ahaan ay soo dhaweynayaan in shirka banbaxa ee Guddiga Joogtada ah lagu qabto magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha BFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa shalay gaarat magaalada Kismaayo,halkaasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn diiran.