Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku fuliyay 13 goobood oo ku yaallla Magaalada Sanca,kuwaas oo la tilmaamayin ay yihiin bartilmaamedyo lagu beegsaday Xuutiyiinta Yemen,Taliska dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sidaas sheegay.
Taliska ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay ku guulaysteen in ay burburiyaan qalab iyo 8 Drone oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn (UAV) oo ku sugnaa dhulka ay Xuuthiyiinta ka taliyaan ee Yemen iyo badda cas.
Weerarka cirka oo lala beegsaday Magaalada Sanca,illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.
Duqeymankaan ayaa yimid xilli hogaamiyaha kooxda Cabdul-Maalik al-Xuuti khudbad uu ka jeediyay taleefishinka uu ku sheegay in ciidamadoodu ay todobaadkii hore beegsadeen 10 markab oo xiriir la leh Mareykanka, UK iyo Israaโiil,kuwaas oo marayey badda cas, Mediterranean-ka iyo badweynta Hindiya.