Dhaqaalaha adduunku wuu soo hagaagayaa laakiin caqabadaha heerka dulsaarka, arrimaha sii jira ee deynta, xiisadaha juqraafiyeed iyo khataraha cimilada ee sii xumaanaya ayaa ah kuwo weli jira , sida lagu sheegay warbixin ay dhowaan soo saartay Qaramada Midoobay.
Warbixintaan oo cinwaan looga dhigay xaaladda dhaqaalaha adduunka iyo rajada laga filayo badhtamaha sannadka 2024-ka, waxa ay tilmaamayaan in waddamada waaweyn ay ku guulaysteen inay ka fogaadaan hoos-u-dhaca baโan ee xaggaย dhaqaalaha, isla markaana ay ku guulaysteen inay xakameeyaan sicir-bararka iyo kororka shaqo laโaanta.
Kobaca dhaqaalaha adduunka ayaa la saadaalinayaa inuu sanadkaan ka sareeyo 2.7% marka loo eego qiyaasihii hore ee la sameeyay bishii la soo dhaafay ee Janaayo, iyadoo la filan karo koror dheeri ah oo gaaraya 2.8% sanadka 2025.
Attintaan waxaa loo aaneynayaa aragtida wanaagsan ee Maraykanka iyo dhowr waddan oo waaweyn ,kuwaas oo dhaqaalahoodu uu soo korayo ,waxaana kamid ah Brazil, India iyo Russia.
Inkasta oo uu jiro isbeddel xagga sicir-bararka ah oo caalamiga ahhaddaana dalal ย badan oo soo koraya ayaa wali la kulma sicir-barar sare, kharashyada amaahda oo sarreeya iyo cadaadiska lacagta.
Sidoo kale xaaladaha shaqo ee fadhiidka ah iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee dhaqaalaha soo koraya waxay keenayaan caqabado kale.