Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS Suleymaan Sheekh Cumar oo manta ka qeybgalay barnaamijka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixisay Kobcinta dhaqaalaha iyo dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah ee bulshada,gaar ahaan kuwa ku xiran kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.
Agaasimaha waxa uu xusay in lagu guuleystay shuruuc dhanka dhaqaalaha ah oo wax ka taraya maamulka maaliyadda ururinta dakhliga, iibka iyo qandaraasyada,kheyraadka ku jira dhulka iyo arrimaha Kalluumeysiga.
Agaasimaha Guud ee Maaliyadda waxa uu u mahadceliyay dowladaha iyo hey’adaha caalamla ee gacanta ka geystay in Sooaaliya ay mar kale ku istaagto cagaheeda,isla markaana ay wax la qeybsato dowladaha caalamka.
“Waxaan qabanay shaqo muhiim ah oo loo qaaday dhanka maaliyadda,taasina waxaa laga dareemi karaa kobaca dhaqaalaha ee dalka”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Suleymaan Sheekh Cumar.