Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya
GudahaWararka

Ra’iisul wasaaraha XFS oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya

By Kanaava Mohamed
Last updated: May 9, 2024
2 Min Read
Share

Nairobi(SONN):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool dalka Kenya, isaga oo uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo qorsheyaasha horumarineed ee dowladda.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay sida ay uga go’an tahay xukuumaddiisa in ay horumarin ku sameyso dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada, iyada oo loo marayo barnaamij siyaasadeed oo ka kooban lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo dhammaantood loogu talagalay in lagu xoojiyo dowlad wanaagga iyo in la gaaro horumar waara.

Wuxuu si gaar ah ugu dheeraaday qodobbada xasaasiga ah sida xoojinta garsoorka, hufnaanta maamulka, iyo dhammaystirka dib-u-habaynta dastuurka, isagoo xusay in dhammaan hawlahaas ay saldhig u yihiin dastuurka dalka.

Si gaar ah, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu iftiimiyay sida ay uga go’an tahay in la helo doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha dib-u-habaynta siyaasadeed ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay la dagaallanka Khawaarijta iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, iyadoo la siinayo mudnaanta koowaad amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si firfircoon uga shaqeynayso sidii Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd saaxadda caalamka. Wuxuu tilmaamay in ay jiraan horumarro laga gaaray xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamiga ah.

Gabagabadii khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaaraha wuxuu si qoto dheer uga hadlay kaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay in ay si firfircoon uga qayb qaataan dib-u-dhiska dalka iyo in ay dowladda ku taageeraan dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda. Waxa uu si guud ula dardaarmay Soomaalidu oo uu ku boorinayey in ay dalkooda u istaagaan si ay uga gudbaan caqabadaha waaweyn ee horyaalla.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa

Shabeellaha hoose(SONNA):-Ciidamada kala ah Xoogga dalka iyo Sirdoonka qaranka NISA ee ku sugan gobolka Shabeellaha…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladaha ka sii daraya ee dadka iyo deegaanka Gaza

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin ciidamada  Israa'iil oo laga yaabo in…

Caalamka
October 21, 2024

Taliska nabad gelyada waddooyinka oo Caasimadda ka hirgeliyay tabbeelayaasha jiifka ee nabad-gelyada

Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Qeybta Guud Nabad-gelyada Waddooyinka (Taraafiko) oo uu hoggaaminaayo Taliyaha Qeybta Guud Nabad-gelyada Waddoyinka S/Guuto; Bishaar Abshir Geeddi ayaa isgoyska…

GudahaWararka
March 5, 2024

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo bogaadiyay waxqabadka Taliska ciidanka Asluubta “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyab galay xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-la malmood ee…

Wararka
January 16, 2020

Ra’iisal wasaare Xamse oo hadal ka jeediyey madasha shir madaxeedka Daaresalaam

𝗗𝗮a𝗿𝗲s𝗮𝗹𝗮𝗮𝗺 (SONNA): Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyay maanta shir madaxeedka…

GudahaWararka
July 26, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023