Safiirka JFS u fadhiya Dalka Turkiga Fatxu-diin Cali Maxamed ayaa booqday mid kamid ah xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.
Safiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in socodkiisa uu la xiriiray la socodka x aaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin maxaabiista iyo wixii duruufo ah ama dhibaato ah ee heysta.
Danjire Fatxu-diin Cali Maxamed ayaa xusay in booqashadiisa ay qeyb ka tahay sidii loola socon lahaa arrimaha jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan Turkiga,isla markaana loo heli lahaa wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta dhinacyada safaaradda iyo dadka shacabka ah.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiye ayaa ugu dambeyn dalbaday in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ilaaliyaan shuruucda dalkaasi,maadaama ayuu yiri anaguna aan u xilsaaranahay dhowrista xuquuqda dadkeenna.