Wasaaradda Ganacsiga ee Dala Tyrkiye ataa soo saartay bayaan lagu sheegay in Turkigu ay hakiyeen dhammaan badeecooyinka dhanka ganacsiga ee ay la lahaayeen Israel,sababo lagu tilmaamay duullaanka ay ku hayso Qaza.
“Turkigu wuxuu si adag oo go’aan ah u fulin doonaa tallaabooyinkaan cusub ilaa ay dawladda Israa’iil ka ogolaaneyso siisocoshada gargaarka bini’aadanimo iyo in dadka Falastiin ay helaan mucaawino aan kala goโ laheyn ayaa lagu yiri bayaankaasi.
Wasiirka arrimaha dibadda Israaโiil ayaa ku eedeeyay madaxda Tyrkiga in ay iska indha tirayaan danaha dadka Turkiga iyo heshiisyada ganacsiga caalamiga ah.
Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Muslimiin ah oo aqoonsaday Israa’iil. Laakiin xiriirku wuu sii xumaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.
Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israaโiil, ka dib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay isku dhacyo ay la galeen ciidamada Kumaandooska Israaโiil, kuwaas oo fuulay markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayey in uu jabiyo goโdoominta badda ee Israaโiil ku haysay marinka Qaza.
sanadkii hore ganacsiga labada dal ee Turkiye iyo Israel ayaa ku kacay ama gaaray lacag ku dhow 7bn oo doolar oo u dhiganta (ยฃ5.6bn)