Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb gali doono shirka Madasha Baarlamaanada ee Qudus oo looga hadlayo Xornimada iyo Madax-bannaanida Falastiin.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah oo ay ka soo qayb gelayaan madaxda baarlamaannada wadamada Islaamka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Falastiin gaar ahaan dhinacyada bini’aadnnimada.