Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: 12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
Gudaha

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

By Kulane
Last updated: April 12, 2024
4 Min Read
Share

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta  ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aasaaskii ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,haddeey ahaan lahaayeen dhanka maamulka maaliyadda iwm.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta  ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka & soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xilligaan adage e lagu jiro waxaa ciidamada Xoogga la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii xuska sanadkaan ee sanadguurada 64-aad ,Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiye Aadan madoobe oo qaabbilay wafdi ka socda Sweden

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo u safray Puntiland

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goorwdhow ka ambabaxay Magaalada Kismaayo iyagoo ku sii…

Gudaha
January 7, 2023

Ra’iisul wasaare Xamsa oo qaabbilay Ergayga cusub ee xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud…

GudahaWararka
June 7, 2023

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gargaar deg-deg ah u dirtay Guriceel

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi…

GudahaWararka
October 27, 2021

Wasiir Cali Xoosh oo maalintii labaad kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta iyo bulshada Hirshabeelle

Jowhar-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowlad…

GudahaWararka
January 22, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023