Muqdisho(SONNA):-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta soo saartay ๐ฑ๐ถ๐ด๐ป๐ถ๐ถ๐ป๐ผ ๐น๐ฎ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ถ๐ถ๐ฟ๐ฎ ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ฏ๐ธ๐ฎ ๐ด๐’๐ด๐ฎ kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto, Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.
Roobabka xilligan Guโga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay dalkleena intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April, roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka diโi doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi.