Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 8- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Ceeldheer,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dhuusamareeb ay keensadeen 6-dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo eeย Ceeldheer iyo Dhuusamareeb ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkiiย Afar iyo tobnaadย oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankigaย IBSย iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinkaย Xamarweyneย iyoย Bardaaleย oo ka kala tirsan Gobolladaย Banaadirย iyoย Baay. ย