Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Bardaale,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Kismaayo ay keensadeen 12-dhibcood.
Tartameyaasha labada degmoo ee Bardaale iyo Kismaayo ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa qeynta hore ku baratami doona degmooyinka Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, halka tartanka qeybta labaad ay isku arki doonaan Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala trsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.