Muqdisho.SONNA…Tartamayaasha Degmooyinka Dhoobleey iyo Xamar weyne ayaa xalay u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka,kadib markii ay ka badiyeen tartamayaashii Degmooyinka Gaakkacyo iyo Buuhoodle.
Tartankaan ayaa ku soo idlaaday Degmooyinka Dhoobleey oo heshay14-dhibcood ,halka Degmada Gaalkacyo aysan la imaan wax dhibco ah,iyadoo sidoo kale Degmada Xamar Weyne ay keensatay 16-dhibcood,halka Buuhoodle ay heleen 6-dhibcood.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka tartanka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Caawa kulanka ama tartanka 6-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Warsheekh iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Jubbada Hoose.