Jowhar, (SONNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa shalay Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gadiidkaan Gaashaman, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutada 14 October ee CXDS G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey).
Guutada October ayaa ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka adag oo ka dhanka ah argagixisada ka wada Gobalka Sh/Hoose.