Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka
    July 24, 2025
    Wasiiradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Turkiga oo heshiis kala saxeexday
    July 24, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Azerbaijan
    July 24, 2025
    Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta iyo qalabeynta ciidanka badda
    July 24, 2025
    Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed oo ka hadlay horumarinta amniga, adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha
    July 24, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By Axmed
Last updated: March 13, 2024
6 Min Read
Share

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey ciidamo ka tirsan kumandoska Danab oo dalka Kenya uga soo qeybgaley dhoolatus milateri oo ilaa iyo 23 waddan ay qeyb ka ahaayeen.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xafladda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo u dabbaaldegay munaasabadda 8-da Maarso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed.

5- Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo ka hadlaya matalaadda shacabka iyo doorashooyinka.

6- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte oo ay ka wadahadleen dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista dembiyada oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Waddada Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xariga jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo dib u dhis lagu sameeyay.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xarunta Degmada Hodan ka furay daadejinta doodaha dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Soomaaliya muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hayโ€™adaha maaliyadda kadib kulan uu Nairobi kula qaatay hayโ€™adaha dhaqaalaha adduunka.

13- Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirizaaq Cumar Maxamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska dhinaca shidaalka iyo gaaska ah iyo sida looga faaโ€™iidaysanayo.

14- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa daah-furay madasha iskaashiga adeegga gaarka loo leeyahay iyo kan dowliga ee caafimadka.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay ka soo qeybgaleen madaxda hayโ€™adaha OCHA iyo FAO oo looga hadlay maareynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

16- Siihayah Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiiru Dowlaha wasaaraadda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Sii-hayah Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Heyโ€™adaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah.

19- Xoghayaha Joogtada ah ee cusub ee Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

20- Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay hayโ€™adaha dowladda.

21- Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 140 hoobiyayaal ah oo Khawaarijta dooneysay inay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

22- Agaasimaha Guud Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

23- Ciidamada Booliska ayaa Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ku qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo sannadkii hore la goostay gaari dowladda ay leedahay, kadibna u galey Khawaarijta Al Shabab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa dilay saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

25- Dab ka kacay qeyb ka mid Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo khasaare geystay.

26- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababbar ku saabsan maareynta dhibaatooyinka ka dhasha deegaannada laga xorreeyo Khawaarijta loogu soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

27- Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa ka qeyb galay carbis ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, halkaasi oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen.

 

==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Switzerland oo shaacisay in ay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka

Dowladda Switzerland ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka caawineyso tababaridda saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya,…

July 24, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha Hoose ku dilay Horjoogayaal ka Tirsan Argagixisada Al-shabaab

Muqdisho:(SONNA)-Ciidanka kumaandooska ayaa howl-gal ay ka sameeyeen deegaanka daarusalaam gobolka shabeelada hoose ku dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal argagixisada katirsan. Ciidanka…

Wararka
August 25, 2020

Norway oo Soomaaliya siineysa deyn gaareysa $353 Milyan

Oslo-(SONNA)-War saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Norway ayaa lagu sheegay in ay Dowladdoodu Soomaaliya siin doonto…

Wararka
October 11, 2019

Maamulka Gobolka Banaadir iyo QM oo ka wada hadlay dib u heshiisiinta iyo arrimo kale

Muqdisho-(SONNA)-Guddomiye Ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane; Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Guudย …

GudahaWararka
March 21, 2023

Isra’el oo bilowday duqeymo cusub oo lala beegsanaayo Marinka Gaza

Ciidamada Isra'eli ayaa saaka bilaabay ย cusbooneysiinta duqeymo xagga cirka ah ee lala beegsanaayo dadka reer Falastiin ee ku sugan Marink…

Caalamka
May 11, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023