Bahir Dar, (SONNA):- Dad goob-joogayaal ah ayaa ka waramay xasuuq ay ciidmada Itoobiya ka geysteen magaalada Merawi oo 30 km dhanka Koonfur uga beegan magaala madaxda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.
“Waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan abid la kulmo nolosheyda,” ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha xasuuqa, isaga oo intaasi ku daray: “Waxa kaliya ee aad ku qiyaasi karto falalka naxariis darrada ah ee nuucaan ah, waa filimada naxdinta leh oo kale.”
Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay rag isagu jira waayeelo iyo dhallinyaro ay kala soo baxeen guryaha iyo maqaayadaha, iyagoo garaacaya, kadibna ay ku toogteen waddooyinka 29-kii bishii January ee lasoo dhaafay.
Dadka ay ciidamada Itoobiya si bareer ah u toogteen ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 50 ilaa 100 rag ah. “Waxaan tiriyey ugu yaraan 50 mayd oo lagu dilay hal meel, oo uu ku jiro walaalkay,” ayuu yiri goobjooge.ย
Jabhaddda Amxaarada ee loo yaqaano Fano ayaa tan iyo bishii April ee la soo dhaafay la dagaalamaysay ciidamada Itoobiya, kadib markii ay xukuumadda dalkaas si xun ula dhaqantay dadka deegaankooda kasoo jeeda.ย
Raโiisul wasaare Abiy Axmed ayaa bishii August ee 2023 ku dhawaaqay bandow si loo caburiyo dadka, lana qaboojiyo kacdoonka looga soo horjeedo Dowladda Dhexe ee ka billaawday Gobolka Amxaarada.ย
โDilalka aan loo meel dayin ee loo geysto dadka rayidka ah ayaa sii hurinaya naceybka loo qabo Dowladda. Isla xisaabtan la’aanta ka jirta Itoobiya ayaa siiย dhiirigelineysa dembiilayaasha,” ayay tiri Hayโadda Amnesty International.
In kasta oo ay adag tahay in si buuxda loo helo faahfaahinta xasuuqa ka dhacay Merawi ka dib markii uu Abiy Axmed ka jaray isgaarsiinta, hadana waxaa soo baxaya macluumaad iyo caddeymo anfariir geliyay dunida iyo Hayโadaha ka shaqeeya xuquuqda aadanha.ย
Hayโadda Amnesty International iyo wadamada reer galbeedka ayaa ku baaqaya in baaritaano lagu sameeyo xasuuqa ka dhacay Merawi, si loo maxkamadeeyo masโuuliyiintii ka dambeysay xasuuqa sidoo kalena ay caddaalad u helaan qoysaskii dadkooda la laayay.