Kismaanyo(SONNA):-Howgal Ciidanka Qaranku ka fuliyeen Galbeedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayey dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.
Howlgalka oo uu hogaaminayay Taliyaha ururka 5aad ee Kumaandooska Danab Gaashaale Carab dheeg ayaa ka dhacay Deegaanka yaaqdabayl ee Galbeedka Kismaayo waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 36 Dhagar qabe.
Ciidanka Qaranka ayaa hawlgalo Sifeyn ah ka wada goobaha ay gobolada dalka kaga dhuumanayaan Khawaarijta arxanka daran.