Muqdisho(SONNA):-Guddomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta Safiir ku xigeenka Safaaradda Turkiga ee Muqdisho Md Armağan Ardoğa kala wareegay deeq lacageed oo dhan $50,000 oo dollar, deeqdaan lacageed oo ay soo dhiibtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka u qaabilsan Dowladda Turkiga ee AFAD ayaa ugu talagashay in lagu kaalemeeyo dadkii ay saameeysay Daadadkii roobabka Elnino oo saameyn ba’an ku yeeshay dalka.
Guddoomiye Maxamuud ayaa aad ugu mahadceliyay garab istaaga joogtada ah ee dowladda aan walalaha nahay ee turkiga ay u muujiyaan shacabkeena.