๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ.SONNAโฆ. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana lagu maamuusayay Maalinta Caalamiga ah ee Fudooyinka ayaa lagu qabtay Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas waxaa ka qeyb galay dhammaan masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Maaliyadda, qeybaha kala duwan ee Maamulayaasha Fudooyinka, Ganacsato iyo Saraakiisha Hoggaanka ilaalada cashuuraha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane ๐๐ข๐ข๐ฑ๐ข ๐๐ฆ๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda ayaaย u mahadceliyay dhammaan Madaxda iyo Shaqaalaha Fudooyinka ,isagoo sheegay in uu qirsan yahay in shaqaalaha ay qabteen howl muhiim u ah dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga.
wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in la casriyeeyay hannaanka dekhli uruurinta, waxa uuna intaa ku daray in la sii horumarin doono qaabka shaqo ee Kastamyada Dowladda.