Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar ayaa ka qeyb galay kulan aan caadi ahayn oo maalinimadii shalay u qabsoomay Golaha Wasiirada ee Jaamacadda Carabta .
Kulankaan ย oo ahaa mid muuqaal ah ayaa daba socda codsi ka yimid Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaana lagu falanqeynayay waxyaabihii u dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo saamayntii ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.
Intii uu socday kulanka, wasiiru dowlaha ayaa caddeeyey in ay taageersan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku celceliyey in ay garabtaagan yihiin dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Imaaraadka Carabta Khalifa Shaheen Almarar oo sii wata hadaladiisa ayaa tilmaamay in dalalka Carabtu ay isku raacsan yihiin gacansiinta dowladda Soomaaliya iyo wax kasta oo ay u arkaan in ay lagama maarmaan u yihiinย arrimaha Soomaaliya.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Imaaraadka Carabta ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la sameeyo dadaal iyo waxqabad ku aadan horumarinta amniga iyo deganaanta geeska Afrika iyo ย sidoo kale dajinta xiisadda iyo raadinta wadahadal diblomaasiyadeed.
Gabagabadii kulanka ayaa laga soo saaray goโaan lagu taageerayo Soomaaliya.