Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
    In ka badan 40 horjooge iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu dilay deegaanka Ceelhareeri ee G/Hiiraan
    June 6, 2025
    Macalin Mahdi “Qof kasta oo soo sheega xogta cadowga waxaan siin doonaa lacago  abaalmirin ah”
    June 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xuska sanadguurada 60-aad ee Wakaaladda Wararka SONNA  
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska sanadguurada 60-aad ee Wakaaladda Wararka SONNA  
GudahaMaqaallada

Xuska sanadguurada 60-aad ee Wakaaladda Wararka SONNA  

By Kulane
Last updated: January 5, 2024
5 Min Read
Share

Wakaaladaha wararka waa hey’ado u xilsaaran ,ururita iyo habeynta wararka iyo guud ahaan raadinta  macluuumaadka kale ee loo gudbiyo bulsho weynta caalamka,waxayna wakaaladuhu u qeybsamaan kuwo caaalami ah iyo kuwo dowli ah.

Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waa kuwo xirfaf ahaan ku shaqeysta warbaahinta, waxayna leeyihiin macaamiil badan oo ku xiran kanaaladooda sida wargeysyada,Idaacadaha iyo taleefidhinada. waxaa kamid ah wakaaladahaasi Associated Press (AP), AFP , Reuters, United Press iyo Tass.

Waakaaladaha wararka ee dowliga ah badanaa waxaa gacanta ku haya xukuumadaha ,waxayna ku hadlaan afka dowladda, iyagoo gudbiya wararka caadiga ah iyo siyaasadaha dowladaha.

Dhammaan wakaaladaha waxa ay ka shaqeeyaan sidii loo kasban lahaa kalsoonida dadka iyo ka  fogaanta wararka beenta ah ee dhaawici kara Xogta saxda ah ee muuqaalada dhacdooyinka u gudbaya macaamiisha.

Wakaaladaha wararka waxaa loo tixgeliyaa in ay yihiin adeeg wareed (news wire), kuwaas oo wadaaga dhaqan ahaan masuuliyad macquul ah oo tilmaameysa in helitaanka wararka iyo dhacdooyinka loo tiiriyo ama loo nisbeeyo afhayeen ama ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo.

Haddaba,Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa dowliga ah waxay maanta u dabbaaldageysaa xuska sanadguurada 60-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Wakaaladda Wararka SONNA.

Wakaaladda SONNA, waxaa la aasaasay 5-tii Janaayo ee sanadkii 1964-tii waana Tiirka ugu weyn ee ay ku faanto wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya .

Dhismaha Wakaaladda ayaa yimid xilli ay dalka ka jireen 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-dii iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-dii,kuwaas oo wax ku gudbin jiray dhowr luqadood.

Wakaaladda Wararka SONNA waa hey’ad ka mid ah warbaahinta oo u xilsaaran ururinta wararka gudaha iyo dibadda, xaqiijinta dhacdooyinka iyo bixinta akhbaraadka ay u baahan yihiin raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo bogagga Websaydyada ee baraha bulshada.

Marka loo eego Howsha Wakaaladda SONNA  waa warbaahin shaqeysa 24-saac oo xiriir ah, waxayna   laamo ama xafiisyo ku leedahay gudaha dalka iyo dibadda sida Dowladaha Islaamka,Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

SONNA ayaa ah  isha wararka ,waxeyna ku shaqeysaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimo iyo dabagal,iyadoo gudbisa wararka iyo dhacdooyinka xiisaha u leh bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka.

Wasaaradda Warfafinta waxay dadaal ku bixisay sidii loo  hormarin lahaa qeybaha warbaahinta ,gaar ahaan wakaaladda wararka SONNA si loo helo aqoon lagu kaabo howsha warbaahinta ,iyada oo loo marayo qaab farsamo oo casriyeysan.

Dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay wakaalada wararka waxa ay ku tallaabsatay guullo wax ku ool ah,kadib markii  madaxda wakaaladda ay heshiisyo cusub la soo galeen wakaaladaha wararka ee dalalka Shiinaha,Turkiga, Raashiya,Suudaan, ,Qadar,Kuweyt, Imaaraadka ,Sacuudiga,Bulgariya iyo kuwo kale.

Adeegga wakaaladda ee xilligaan waxaa lagu saleeyay habka casriga ah ee ay u howlgalaan wakaaladaha wararka caalamka,gaar ahaan nidaamka  shaqo ee warbaahinta diijitaalka ah oo si dhaqso ah u gaari karta daafaha dunida.

Qorshaha ku talagal ee mustaqbalka waa in wakaaladda wararka SONNA ay dib u soo celiso dhammaan xiriiradii ay la laheyd dalalka dunida.

Hadafka SONNA ee xilligaan iyo mustaqbalka fog waa:-

1-in hawsha SONNA la  gaarsiyo Gobolada dalka iyo dibadaha iyadoo kor loo qaadayo aqoonta shaqaalihii hore iyo kuwa cusub ee ku soo biiraya wakaaladda.

2 –la socodka wararka ay daabacaan wakaaladaha iyo warbaahinada kale ee  caalamka.

3 –diyaarinta warar xaqiiqo ah oo ka turjumaya danta bulshada,gaar ahaan xilligga ay dhacayaan.

4 – kordhinta qalabka saxaafadda ee ay ku howlgalaan wakaaladda wararka SONNA.

5 – in danjirayaasha ku sugan dalka la siiyo warar ku qoran buletiinka oo ku hadlaya luqadaha Ingiriiska,carabiga Talyaaniga iyo kuwo kale,

6 –in ay diiwaangeliso dhacdooyinka,iyadoo lala kaashanaayo hay’adaha wararka ee  goboladaa iyo caalamka.

7–  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed,gaar ahaan xilliyada faafinta wararka.

8 – in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha si ay u abuuraan jawi wanaagsan oo lagu shaqeyn karo.

Gabagabadii wasiirka wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray maamulka iyo shaqaalaha Wakaalada Wararka SONNA oo u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 60-aad ee ka soo  wareegatay aasaaska wakaaladda SONNA.

Wasiirka iyo madaxda kale ee wasaaradda waxay  u rajeeyeen maamulka iyo shaqaalaha SONNA in sanadkaan kisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

 

SONNA

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Daraawiishta ee Dowladda Goboleedka Puntland ayaa maanta, oo ku beegan maalinta 1-aad ee Ciidul…

June 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha.…

GudahaWararka
January 15, 2023

Dowladda Soomaaliya oo xayirtay malaayiin Dollar oo loo waday Khawaarijta

Muqdisho (SONNA): Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xayiray Akoono cusub oo lacago badan loo marinayey Khawaarijta, sida lagu…

GudahaWararka
March 5, 2024

Wasiirka warfaafinta oo suxufiyiinta ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda saxaafadda

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Daa’uud Aways Jaamac ayaa hambalyo ku aaddan maalinta…

GudahaWararka
May 3, 2023

Ra’iisul wasaare Xamse oo booqasho ugu tagay qoyska AUN Ugaas Cabdullaahi Fara-Cade si uu ula qeybsado xanuunka geerida

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi…

GudahaWararka
September 15, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023