Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS
GudahaWararka

Madaxweynaha JFS oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee BJFS

By Khadar Mahdi
Last updated: January 2, 2024
4 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hortagay fadhi degdeg ah oo uu isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay mowqifka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan heshiiska aan sharciga ahayn ee Addis-ababa ay ku kala saxiixdeen Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Madaxweynaha oo dul istaagay taariikhda qotadadheer ee ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xusay in aragtida ay qaateen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku dhisan nabadda, daris-wanaagga iyo wada-noolaanshaha aysan ka dhignayn in aan nahay dad si fudud lagu qaadan karo dhulkooda iyo baddooda.

โ€œDadka Soomaaliyeed si dhab ah ayey u qaateen in ay colaadda ka jeestaan oo qaataan nabad, daris wanaag iyo wada-nolaansho, waana midda aan ku keennay halkudhigga aan maanta haysanno ee Soomaali Heshiis ah, dunidana heshiis la ah, duniduna waxay ka bilaabata dariskeenna. Itoobiya xumaanteeda, burburkeeda iyo kala-qeybsanaanteeda kama aanan shaqeyn, annagoo waliba haysanna asbaabo badan oo dad badan ay jeclaan lahaayeen in aan uga shaqeynoโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay khatarta ka dhalanaysa tallaabada qar-iska-xoornimada ah ee uu qaatay Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya, waxa uuna ka digay caawaqib xumida amni iyo bulsho ee gobolku uu ka dhaxlayo.
โ€œRaโ€™iisul Wasaare Abiy Axmed waxaan leeyahay, faro-gelintii Meles Zenawi uu ku sameeyey Soomaaliyey waxaa ka dhashay Alshabaab. Maanta oo aan Shabaabkii ka adkaanay oo madaxdoodii inbadan isa soo dhibayaan, dhulkiina aan badankiis ka xoreynay, fursad kale in loo abuuro Alshabaab oo dhallinyaradeenna ay ku soo xereystaan nama qabato, gobolkana ma qabatoโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay taariikhda gumeysi la dirarka ee dadka gobollada Waqooyi iyo sida ay uga digtoonaayeen dhagarta shisheeyaha, waxa uuna ugu baaqay jiilasha maanta in ay kala saaraan duurafaha siyaasadeed ee aan joogtada ahayn iyo masiirka jiilasha danbe.

โ€œTaariikhda walaalaheenna Waqooyiga Soomaaliya waxaa ku jirta in qarniyo hore ay diideen in gumeystaha carruurtiisu ay ku dhalato dalka. Heshiisyada ay galeen waxaa ka mid ah in haweenka gumeystaha ay ku soo dhalaan dalka dibaddiisa, si aysan u sheegan barri xuquuqda dalka. Waa taariikh hore oo Maqaar (Harag) ku qoran. Maanta haddii ay noolaan lahaayeen maxay dareemi lahaayeen? Maanta qarniga 21-aad Awooweyaashaas, qaar ka mid ah carruurtoodii haddii ay leeyihiin dalkii baan gobol ka mid ah bixinaynaa haddii ay maqli lahaayeen in uu wadnuhu istaagi lahaa baan u malaynayaaโ€.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey sida dadka Soomaaliyeed ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda, aysanna u aqbalayn in taako ka mid ah cid kale qaadato, iyagoo ku shaqeynaya himilo horumarineed iyo midnimo.

โ€œCid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen iyo adyeeyayaasheen baa diiday, annagaa intaan nooleyn diiday. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaanโ€.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Dowladda Itoobiya in aynu nabad ku wada noolaanno, gaar ahaan, xilligan oo duruufo adag ay ka taagan yihiin Geeska Afrika, kuwaas oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada iyo argagixisada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha BJFS oo saxiixay buugga tacsida marxuum Ugaas Cabdi-Daahir

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka qeyb galay gogosha tacsida…

GudahaWararka
January 30, 2025

Labada gole oo maanta billaabay ka doodista cutubyada wax ka badalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG

Muqdisho(SONNA):- Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa maanta ka furmay kulan Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo looga…

GudahaWararka
February 12, 2024

Xildhibaannada labada Aqal ee BFS oo maanta dood labaad ka yeeshay Cutubka 2aad ee Dastuurka KMG

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee ย Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir…

GudahaWararka
February 26, 2024

Guddoomiyaha SoDMA oo ku baaqay in loo gurmado dadkii ku hanti beelay suuqa Jowhar

Jowhar-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo hayโ€™adda OCHA…

GudahaWararka
August 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023