Muqdisho.SONNA…Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan BFS ayaa maanta saxiixay buugga Tacsidaee ee Allaha u naxariistee marxuumad Ex wasiirkii Haweenka Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye.
Saxiixa buugga tacsida oo lagu qabtay hoyga marxuumaddaasi,waxaa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar,xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo xubno kale.
Maxamed Shuriye Nuur oo kamid ah , Guddigga qabanqaabada tacsida ayaa sheegay in tacsida marxuumaddaasi oo loo fadhiyo maalintii labaad ay socon doonto muddo Todobaad ah.
Dhammaan masโuuliyiintii ka qeybgalay saxiixa buugga tacsida ee marxuumad Khadiijo Axmed Diiriye,waxa ay Alle uga baryeen Janatul ardowsa,eheladii ay ka tagtayna waxa ay fareen samir iyo iimaan.
Marxuumad Khadiijo Axmed Diiriya waxa ay ย 20-kii sano ee la soo dhaaafay ka soo qeybqaadatay dhismaha iyo geedi socodka dowladnimo ee ka hirgalay dalka.