Muqdisho, 20 December 2023: Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.
Hawlgalka ayaa xilli galab ah dhacay, waxaana looga hortagay koox ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo isku urursanayay xadka u dhexeeya gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana lagu burburiyay qorshihii Khawaarijta halkaasi ku maleegayeen.
Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Mareykanka oo iskaashanaya ayaa khidad aad loo qorsheeyay lagana taxadaray waxyeelada shacabka u adeegsaday hawlgalka si loo dhabar jabiyo dhagartii Khawaarijta soo maleegtay, waxaana hawlgalka u fulay si guul ah.
Toddobaadkan gudihiisa waxaa hawlgal kale oo ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe lagu bartilmaameedsaday horjooge sare oo ka tirsan cadowga Khawaarijta ah ee Al Shabab, kaas oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee kooxda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxa ay diiradda Koowaad saaraysa ciribtirka argagixisada Khawaarijta ah ee Al Shabab, waxaana sannadkan dagaalka lagu xididada siibayo laga gaaray guulo waa weyn.