Muqdisho(SONNA):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay qaabilay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ku hawlan cilmibaaris ku saabsan dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dib u heshiin dhab ah ay saldhig u tahay xoojinta dowladnimada, isla markaana Xukuumadda DanQaran ay xoogga saareyso ka mirodhallinta aragtida Madaxweynaha ee โSoomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ahโ.
Aqoonyahannada oo qayb ka ah madasha Machadka Heritage shalay ka billaabatay magaalada Jabuuti, ayaa Raโiisul Wasaaruhu kala hadlay doorka muhiimka ay aqoonyahannadu ku leeyihiin baarista iyo xal u helidda mashaakilaadka ka dhashay dagaalladii sokeeye ee dalkeenu soo maray.