Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sanadka 2023-ka waa sanad guul u ah Soomaaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sanadka 2023-ka waa sanad guul u ah Soomaaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Sanadka 2023-ka waa sanad guul u ah Soomaaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 16, 2023
13 Min Read
Share

Sanad iyo todobo bilood kadib, maxaa Dowladda Soomaaliya u qabsoomay?, suโ€™aashaasi jawaabteed looma fakirayo, muddo badanna kaa qaadan meyso helidda jawaabteeda, balse aan soo koobno. Markii la doortay Xurmadle Madaxweynaha JFS, waxa uu durbadiiba ku dhawaaqay in howshiisa ugu horreysa ay noqon doonto 1. Amnig, soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, isagoo wacad ku maray inuu ka takhalusi doono Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab. 2. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika, 3. Dhameystirka Deyn cafinta. 4. Qaadista Cuneqabateynta hubka. Iyo midda 5. Oo ah dhameystirka Dastuurka.

1.Dhinaca amniga. Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiinย  waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 2022-kiiย  waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, heyโ€™addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.

Dowladdu waxay Khawaarijta ku qaaday dagaal 3 Weji leh oo ah:

B).Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha) Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u aheyd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M โ€“ 150 Million oo Doolar, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu, si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaasi oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta. Waxaa intaasi dheer in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaasi oo isu ekeysiinayay, sida:- nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu aheyd in ay xogta gancsi la wadaagaan khawaarijta.

Halkaasi waxaa ka soo wajahay qandho weyn oo isku bedeshay Xanuunka khawaarijta gaaray, balseย  intaasi loogama harine waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaasi oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah. Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyoย  Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).

T).Dagaalka Tooska ah. (Jihada Dgaalka). Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socdayย  howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyo bilood ย jirsaday ayaa waxaa lagu dilay in ka badan seddex kun iyo siddeed boqol Maleeshiyaad (3,800) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay in ka badan 80 ย Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.

J).Dagaalka Fikirka. (Wacyigalinta). Iyaoo laga duulaayo tusaalooyinka Madaxweynaha JFS Dr:- Xasan Sh. Maxamuud aayaa la abaabulay dhinaca fikirka, waxaana markii ugu horraysay Culumaaโ€™udiinka isku raaceen halka kooxdu uga jirto diinta, waxaana Culumadu fatwootay isku raaceen in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah, taasi oo wax wayn ka badeshay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta. Waxaa kaloo xusid mudan in Warbaahintu tahay tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles, kuwaasi oo Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka, dhinaca Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijta, waxaa kaloo la xiray 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta, 21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray iyo sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo(4) afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.

2.Ku biirista Bulshada Bariga Afrika. ย Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ahย  oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi. waxa ay si gaar ah u fullin doontaa Qodobadda uu ku dhisan yahay heshiiskan oo ay ka mid tahay isku Socodka Xorta ah ee Dadka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC). โ€œMaanta waa wakhtii aad loogu faano inagoo u dabal degayna ku biirtaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Afrika,tani waxay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkeena wadajirka ah,waxayna tilmaan u tahay rajadeena Mustaqabalka oo ay ka buuxaan fursado badan, ayuu yiri Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud, mar uu ka hadlaayay munaasabadda saxiixa aheyd. Xubinnimadaydu ma ahaan mid ku timid xilligeeda oo kali yahay ee sidoo kale waa mid kor u qaadaysa maalgashiga ururka, waxay kaloo leedahay Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya, waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka.

  1. Qaadista Cunaqabateynta Hubka. Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Sanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in ay la kulmeen xubna ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka.

Maxaa laga faaโ€™iidayaa qaadista Cunaqabateynata Hubka?, waxaa laga faaโ€™idayaa 5.qodob.

B- La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.

T- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

J- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo heyโ€™adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guudย  ee dalka.

X- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hayโ€™addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.

Kh. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

  1. Deyn cafinta. Bangiga adduunka iyo heyโ€™adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey deynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya siinaysa fursad weyn oo ay kula falgasho caalamka. Victoria Kwakwa Madaxweyne ku xigeenka koofurta iyo bariga Afrika ee Bankiga adduunka ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay. Jihad Azuur madaxa qeybta bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya ee heyโ€™adda IMF ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaasi oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saameynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbedalka cimilada.
  2. Dhameystirka Dastuurka. Midda kaliya ee ka dhiman ballaanqaadka Madaxweynaha ayaa ah qodobka ah dhameystirka Dastuur, isagana waxaan rajeyneynaa in goor dhow laga gudbo oo ay Soonmaaliya yeelato Dastuur aan qabyo aheyn, waayo Dastuurka waa qaanunka ugu sarreeya dalka marka la yimaado Shareecada Islaamka.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay kalfadhiga saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta

Doxa-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kaga qayb galay…

GudahaWararka
April 30, 2024

Warbixin: Horjoogayaasha Khawaarijta oo wajahaya cabsi iyo walwal xooggan

Muqdisho (SONNA0:- Deegaanno muddo dheer aysan Maankooda galin Khawaarijta in mar uun loogu imaan karo ayay geesiyaasha ciidanka qaran u…

GudahaWararka
December 27, 2022

Horjooge ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka

Muqdisho(SONNA):-Ismaaciil Jimcaale Fiidow oo katirsan khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala degmada Ceeldheer ee…

GudahaWararka
August 19, 2024

Qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda oo kormeer ku tagay goobaha laga qaato kaarka codbixinta

Muqdisho(SONNA):-Qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmooyinka ay ka socoto qaadashada…

GudahaWararka
December 8, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023