Muqdisho (SONNA):- Waxaa goordhow lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deynta, taas oo ah tallaabo ka qeyb qaadaneysa xoojinta dhaqaalaha Qaranka iyo yareynta culeyska maaliyadeed ee wajahaya dowladda.
Talaabadani ayaa ku timid dadaalka iyo dib u habeynta ay muddo ku howlanayd dowladda Soomaaliya, waxayna ka tarjumaysaa muhiimadda ay leedahay in dalalka soo koraya laga taageero safarkooda ku aaddan horumar waara.
Deyn-cafintu waxay dalka u furaysaa jiha cusub oo maalgashi iyo fursado ganacsi ah, waxayna waddada u xaaraysaa iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Cafinta deynta waxay ka qayb qaadanaysaa kor u qaadida awooda dhaqaale ee Soomaaliya waxayna siinaysaa fursado cusub oo ay ku gaarto horumar waara, isla markaana barwaaqo u horseeddo shacabka Soomaaliyeed.
Tallabadan taariikhiga ahi ee ku tilaabsatay dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay kor u qaaddo maalgashiga shisheeye oo qeyb ka qaadan karo horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah shacabka.
Intaa waxaa dheer, waxay albaabada u furaysaa kor u qaadista iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka ee dhinacyada kala duwan.
Dhammaadka cutubkan muhiimka ah ee ka mid ah taariikhda Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareemaya rajo ah in Soomaaliya ay si kalsooni leh ugu gudbi karto mustaqbal ifaya oo caddaalad ah.
Safarkaan maanta soo dhammaaday ayaa soo bilowday sanadkii 2012-kii waxaana xilligaas bilaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Guushaan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay hiigsatay sanadka 2023-ka guulo taarikhi ah, waxa ay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika, 31 sano ka dib waxaa laga qaaday cunaqabateyn hubka.