Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga
GudahaWararka

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo soo dhaweysay ansixinta qorshaheeda horumarinta amniga

By Khadar Mahdi
Last updated: December 13, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa meel marinta iyo taageeridda Qorsheheeda Horumarinta Amniga ee Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay New York shalay, 12-kii Diseembar 2023 , oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Midowga Afrika, Midowga Yurub, Qatar, Sacuudiga, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska, Mareykanka, Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka soo qeyb galay 28 ka mid ah dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Qorshaha Horumarinta Amniga waa himilada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah lahaanshaha iyo masโ€™uuliyadda buuxda ee amniga ka dib sannado badan oo qalalaase uu dalka ku jiray iyo haatan oo ay jirto dib u soo kabasho muuqata. Sidoo kale waa qorshe lagu gaarayo xasillooni siyaasadeed oo ka taaba gasha Soomaaliya. Waxaa ka mid ah in la dhiso ciidamo karti leh, lala xisaabtami karo, la awoodi karo oo daah-furan iyo hayโ€™ado amni si loo xaqiijiyo gaarsiinta iyo joogtaynta amniga iyadoo lagu hagayo waajibaadka Soomaaliya sida waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Shirka Amniga ayaa lagu soo hadal qaaday horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ay wadaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa madaniga ee ka ymid shacabka is xilqaamey, taas oo keentay in dib looga la wareego argagixisada goobihii muhiimka ahaa ee ay muddo haysteen, isla markaana hoos u dhac uu ku yimid awooddii dhaqaale iyo mid ciidan ee kooxda argagixisada ee Khawaarijta Al Shabab. Waxa ay sidoo shirkan lagu xusay taageerada Ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo dalalka ay ka yimaadeen ciidamada kala duwan ee isugu jira milateriga iyo booliska ee Soomaaliya ka hawlgala.

Ka qaybgalayaashu waxa ay sidoo kale qireen bilawga dadaallada ku wajahan hannaanka dastuuriga ah ee loo dhan yahay iyo doorashooyinka, kororka dakhliga gudaha iyo ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waxa kale oo ay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelintan socota, waxayna xaqiijiyeen inay taageerayaan Soomaaliya xasilloon, dimuqraadi ah iyo barwaaqo.

Ansixinta Qorshaha Horumarinta Amniga ayaa ku soo beegmaysa maalmo uun kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in xayiraadda laga saaro hubka ay helayso dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ammaanka, muddo badan 30 sano oo cunaqabateyn lagu soo rogay. Codbixintaas waxay ahayd tilmaan dheeraad ah oo muujinaysa kalsoonida beesha caalamka ee ku aaddan awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay si buuxda ula wareegto ciidamadeeda iyo hayโ€™adaha amniga.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa ballan-qaadkii saaxiibada caalamka ee ahaa in ay taageerayaan dadaalladeeda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha iyada oo doonaysa in ay dhisto Soomaaliya xasilloon oo barwaaqo ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo labada aqal ee Baarlamaanka ka codsaday kulan gaar ah

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa kulan casho sharaf ah la qaatay Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada…

GudahaWararka
October 30, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ururka G77

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka…

GudahaWararka
September 17, 2023

Duqa Muqdisho oo Xulka Gobolka Banaadir kala qeyb galay farxadda dabaal degga guusha ay gaareen โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa farxadda dabaal degga…

CiyaarahaWararka
January 1, 2021

Taliye ku xigeenka Boliiska Soomaaliyeed oo bogaadiyay guddiga farsamada xiriirka arrimaha xasillinta

Muqdisho-(SONNA)-Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa bogaadiyay shaqada guddi howleedka farsamo ee xiriirka arrimaha…

GudahaWararka
February 25, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023