Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u meel mariyay qaraar aan la isku hallayn karin oo ku baaqaya xabbad-joojin bini’aadanimo oo ka dhacda Gaza iyadoo ay sii socdaan duqeymaha Israa’iil.
Madaxa WHO ayaa walaac ka muujiyay falalka ciidamada Israel ee weeraray cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza, waxayna ku baaqeen ilaalinta bukaanada iyo shaqaalaha halkaasi.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa sheegtay in Gaza ay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan adduunka ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bini’aadanimo.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Israa’iil ay bilowday in ay lumiso taageerada caalamka,kadib duqeymaha aan loo meel dayin ee ay ka waddo Gaza.
In kasta oo uu ku celceliyay in Israa’iil ay ku xisaabtami karto taageerada Maraykanka,haddana,waxa uu intaa raaciyay in Israa’iil ay bilowday inay ku lumiyaan taageeradaas duqaymo aan loo meel dayin oo ka dhacaya Gaza.
Si kastaba ha ahaatee, Mr Biden waxa uu caddeeyay in aanay jirin wax su’aal ah oo ku saabsan baahida loo qabo in Xamaas la qaado, Israa’iilna ay xaq u leedahay inay sidaas samayso.
Hogaamiyaha Mareykanka ayaa la kulmay cadaadis isa soo taraya oo ay ku jiraan gudaha xisbigiisa Dimuqraadiga si uu u xakameeyo ololaha militari ee Israel.
Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa sidoo kale soo bandhigay cadho sii kordhaysa oo ku wajahan jawaabta milatari ee Israel.
Ugu yaraan 18,412 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israel tan iyo 7-dii Oktoobar.