Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Jimco ah kulan ka yeesho dagaalka ka socda Gaza si loogu codeeyo in xabbad joojin degdeg ah laga sameeyo halkaasi.
Arrintaan ayaa timid ka dib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu qaaday tallaabo naadir ah oo uu ku cuskaday qodobka 99-aad ee axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo u oggolaanaya xoghayaha guud in uu golaha horkeeno arrin kasta oo khatar gelin karto ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka .
Warqad uu u diray golaha Arbacadii, Guterres wuxuu ku sheegay in xaaladda Israa’iil iyo Gaza ay ka sii dari karto ,isla markaana at saameyn ku yeelan karto ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.
Tallaabadaan waxay noqonaysaa isku daygii shanaad ee lagu raadinayo midnimada xubnaha golaha,iyadoo afar go’aan oo qabyo ah oo hore loo soo bandhigay tan iyo markii uu dagaalku qarxay ay diiideen xubnaha goluhu.