Muqdisho(SONNA):- Maamulka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay shalay munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay go’aankii golaha ammaanka ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Hodan Mudane Cali Axmed Faarax, Xildhibaan Ilyaas Sheekh, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta Mudane Muxamed Cabdullaahi iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Hodan oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda guushan ay u leedahay ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale ka hadlay dhinacya kale oo xiriir la leh ammaanka.
Guddoomiyaha ayaa yiri, “Waxaan u mahadcelineynaa madaxdii dadaalka weyn galisay si loo gaaro guushan, oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud”.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan u codeeyay qaraar lagu qaadayo cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992-kii.