Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen 633-kamid ah dufcadii 8-aad ee Jaamacada S.I.U.
Duqa Muqdisho Mudane Madaale ayaa sheegay in barashada Cilmiga ay tahay ahmiyada koowaad ee uu ku horumaro bulsho iyo waddan, sidaas darteeda ay muhiim tahay in aqoonyahanada Soomaaliyeed cilmiga kujira ee waxtarka leh ay uga faa’ideeyaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa danta yar ee aan wali helin fursad ay wax ku bartaan.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa isna bogaadiyay Arday maanta ka qalin badalatay Jaamacadda S.I.U