Muqdisho(SONNA):-Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa ugu hambalyeey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka mid noqoshada Urur goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ay shalay si buuxda Soomaaliya xubin uga noqotay.
Madaxweyneyaasha iyo Madaxda kale ee dalalkan ayaa Ku hambalyeey daddaalka dowladda Soomaaliga ku bixisay ka mid noqoshadda ururkan oo muhiim u ah Bulshada ku nool gobolkan.
Ururkan ayaa dalalka ku midaysan waxay wadaagaan Socdaalka,ganacsiga iyo iskaashi buuxa oo dhanka horumarka ah.