Addis Ababa(SONNA):-Danjirayaasha Soomaaliya iyo South Africa ee dalka Ethiopia oo ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal.
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda ku qaabilay safiirka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee South Africa mundane Edward Xolisa Makaya.
Labada danjire ayaa isku afgartay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, is dhaafsiga khibradaha la xiriira dawlad wanaaga iyo in Soomaaliya laga taageero waxbarashada iyo kobcinta arrimaha bulshada.