Muqdisho(SONNA):-labada Gole ee Baarlamaanka JFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan ku xigeennada labada guddoomiye, ayaa maanta kulan ay yeesheen, waxay kaga arrinsadeen qabanqaabada iyo hannaanka furitaanka Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen labada xoghaye ee Baarlamaanka JFS ayay guddoonku iskula meel dhigeen in fadhiga ugu soo horreeya ee guddiyada joogtada ee Baarlamaanka lagu go’aamiyo furitaanka kalfadhiga 4-aad iyo qabanqaabadiisa.