Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka Kamandooska Danab Gaashaanle dhexe Caydaruus Maxamed Xuseen iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay taliyaha Qaybta 5-aad Ciidanka Burundi oo qayb ka hawlgalka ATMIS.
Kulankan ayaa ayaa waxa looga wada hadlay xoojinta Amniga Deegaannada Dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo in si wadajir ah loo la dagaalamo Khawaarinta.
Deegaanadda Hirshabeelle ayaa waxa badi laga sifeeyey kooxihii Khawaarijta ahaa ee dhibtaada daran ku hayey Shacabka Soomaaliyeed iyadoo weli uu socdo hawlgalka lagu sifaynayo haraadiga Kooxaga Khawaarijta ee ku dhuumanaya Goobaha cayiman.