Muqdisho(SONNA):-Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare waxa ay u caddeyneysaa jaamacadaha Dalka in aanu jirin Urur la yiraahdo Federation of Somali Universities (FSU) oo ay Wasaaraddu aqoonsan tahay, dhammaan jaamacadaha dalka iyo guud ahaan bahda Waxbarashada waxaan uga digaynaa in ay la shaqeeyaan Ururkaas.
Wasaaradda Waxbarashada waxa ay aqoonsantahay Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU) kaas oo ka diiwaanshan Wasaaradda, islamarkaana ah Urur ay ku mideysan yihiin inta badan Jaamacadaha dalka.
Sidaasi darteed waxa aan halkaan digniin uga diraynaa ururka la magac baxay Federation Somali Universities (FSU ) in ay ka shaqeeyaan arrimaha waxbarashada fasax laโaan iyo diiwaangalin laโaan.
Dhammaad.