Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay raadinta midnimada dalka iyo qancinta cid kasta oo qabta dareen tabasho.
Ergayga ayaa qiray in aysan jirin Wax isbadal ah oo ku yimid siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaaliya ee ku aadan Wadahadallada Soomaaliland.
Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland waxa uu xusay in wadajir la’aanta umadda ay horseedi karto gaabis ku yimaada dhanka horumarka bulshada iyo dhismaha heykalka dowladnimo.
Ergayga Madaxweynaha JFS ee Arrimaha Somaliland Cabdikariim Xusseen Guuleed,waxa uu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso arrimaha waxbarashada amniga iyo midnimada dalka,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in gacan laga geysto taabagalinta howlahaasi.