Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo xubno kale oo ka socday maamulka cisbitaalka Erdogan,safiirka Turkiga iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegatay dib u howlgalinta cisbitaalka Erdogan Ex Digfeer.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay dowladda Turkiye oo dadaal u gashay dib u dhiska cisbitaalkaasi oo uu tilmaamay in uu yimid xilli bulshada Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabeen adeegyada caafimaad.
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) waxa uu sidoo kale maamulka iyo howl wadeenada isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ku ammaanay sida hufan ee ay bulshada ugu adeegaan iyo bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh.
Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay madaxda cisbitaalka Erdogan iyo safiirka Turkiye ee fadhigiisu yahay Muqdisho.