Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dekadda Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsada dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sannadkii 2024
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Gudaha

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed

By Kulane
Last updated: October 12, 2023
4 Min Read
Share

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 69-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la isku raacay soo bandhigay naqshadda Calan Soomaaliyeed oo uu hal abuurkeeda lahaa Allaha u naxariistee marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.  

Xuska 12-ka Oktober waa maalin qaran oo ku wayn quluubta shacbiga Soomaaliyeed,isla markaana ka tarjumaya dadaalkii loo soo galay lahaanshaha calan Soomaaliyeed oo ku yimid rabitaanka dad in muddo ah ku hoos nolaa gumeysi shisheeye.

Soo Bandhigidii Calanka.

Markii loo soo bandhigay Calanka ururka SYL ,dood dheer ka dib waxaa la isku waafaqay Muxaafid iyo Mucaaridba in la qaato Calanka uu soo bandhigay Maxamed Cawaale Liibaan.

, Cabdulkadir Cali Boolay oo ka mid ahaa halgamayaashii S.Y.L ayaa yir”waxaan nasiib u yeeshay in aan goob joog ka ahaa xilligaasi oo lagu soo bandhigay xarunta dhexe ee xisbigii SYL, waxaana cod buuxda la isku waafaqnay in la qaato naqshadda uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan.

Hase yeeshee markii loo geeyay maamulkii Talyaaniga ayaa diiday oo ku tilmaamay inuu u egyahay Calanka dalka Za’iir iyo kan Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa “United Nations-ka” sidaasi darteed aan la ogolayn calan dal leeyahay.

Maamulkii Talyaaniga wuxuu ku adkaystay hindisihii uu soo bandhigay marxuum Maxamed Cawaale Liibaan in aan la qaadan Karin isagoo qiil uga dhigaya in uu egyahay calanka dalka Democtatic Republic of Congo Ex. Za’iir.

Balse Maxamad Cawaale Liibaan wuxuu Talyaaniga u sheegay in labada calan aanay isku mid ahayn sababtoo ah Calanka dalkii Za’iire horay loo oran jiray, xiddigta ku dhextaal waa mid Dahabi ama Huruud ah, sidaasi darteed dood dheer iyo wada tashi fara badan ka dib  maamulkii Talyaaniga oo xiligaasi maamulaayay koonfurta soomaaliya wuxuu ogolaaday in la qaato calanka buluugga ah xiddigta cad dhexda kaga taallo.

Halgan dheer ka dib ummadda soomaaliyeed waxay ku guuleysatay una suurta gashay in ay yeelato calan aad u qurux badan ,kaasoo ka tarjumaya jiritaanka iyo himilada ummadeed oo ah in la helo soomaali  midaysan.

Calanka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta 68- sano jirsaday, wuxuu ku yimid halgan adag oo ay hoggaanka u hayeen dhallinyaraddii soomaaliyeed xisbigii SYL, kuwaas oo loolan qaraar la galay gumaystayaashii isu soo bahaystay umadda Soomaaliyed.

12-ka Oktobar ee sanadkii1954kii waa maalin xasuus leh oo la soo bandhigay callanka buluugga ah ee xambaarsan sharafta umadda,waxaadna ka dhadhansan karnaa miraha can baxay ee ku jira heesta (Qoloba calankeedu) ee uu ku luuqeeyo  Marxuum Cabdullahi Qarshe waxaana ka mid aha:- “Qolobaa calankeedu waa ceynoo-Innagaa keennu waa – Cirkoo kale’e – ee aan Caadna-lahayn – ee  Caashaqa’e – Xiddig yahay Cadi-waad Na Ciidamisee- Caradaan Kaligaa Aadow Curadee – Cadceeda Sideeda Caan Noqo’ee”

26kii Juun1960kii waa markii ugu horaysay ee calankaasi kifaaxa dheer loo soo maray laga taagay fagaaraha xoriyadda ee magaalada Hargaysa, kadib markii goballada waqooyi ay ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska,afar maalmood kadib, 1dii luulyo 1960kii waxaa ka xoroobay gumaysigii Talyaaniga koofurtii dalka, islamarkaana waxaa israacay labadii gobol ee Waqooyi iyo Koofur, waxaana halkaasi ka dhashay Jamhuuriyaaddii Soomaaliya.

Calanka waa astaanta dalka,in la jeclaado korna loo qaado xuskiisa iyo munaasabaddiisa waa qayb wadaniyadda ka mid ah, taasi dad badan oo Soomaali ah aysan ku baraarugsanayn, waxaana habboon si dareenka wadaniyadeed ee shacbiga kor loogu qaado in manaahijta ardayda dugsiyada loogu dhigo lagu daro maaddo wadaniyadda ku saabsan, si ardayda loo baro qiimaha dalka iyo halgankii loo soo maray xoriyadda,gaar ahaan halgamayaashii taariikhda galay iyo Qiimaha Calanka iyo astaanta dalku leeyihiin.

W/D:- Gobdoon.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Dekadda Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsada dekedaha ugu waxqabadka wanaagsanaa Bariga Afrika Sannadkii 2024

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ku faraxsantahay inay ku…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Jaziira “Sawirro”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddada Xalane ee…

GudahaWararkaWargayska
May 31, 2021

Ciidanka XDS oo 25 Al-shabaab ahaa ku dilay gobolka Hiiraan

Buulo-burte-(SONNA)-Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed, qeybta 27aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-burte waxa ay…

GudahaWararkaWargayska
June 1, 2021

Taliye Xijaar”Ciidanka Boolisku waxaa ay awood u leeyihiin sugidda amniga doorashada”

Muqdisho(SONNA):-Taliyaha Ciidanka boliiska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa ka hadlay qorshaha diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka…

GudahaWararka
May 31, 2021

Golaha wasiirada oo ansixiyey guddiga  doorashooyinka iyo soohdimaha

Muqdisho (SONNA): Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee…

GudahaWararka
November 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023