Dhul gariir cabirkiisu yahay 6.3 ayaa ku dhuftay galbeedka dalka Afgaanistaan, kadib markii dhowaan ay dalkaasi ka dhaceen dhul gariir ay ku dhinteen in ka badan 2,400 oo qof.
Dhulgariirkaan oo ahaa mid xooggan ayaa ku dhuftay deegaan u dhow magaalada Herat ee xarunta gobolka Herat, subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah.
Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhaawacantay dhul goโa xiray wadada weyn ee isku xirta Herat iyoTorghundi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Associated Press, oo soo xiganeysa afhayeenka wasaarada warfaafinta Abdul Wahid Rayan.
Dhulgariirka ayaa sidoo kale dhulka la simay 700 oo guri oo ku yaal tuulada Chahak,waxaana jira xogo kooban oo ku saabsan saameynta degdegga ah ee dhulgariirka.
ย