Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya
    April 20, 2026
    WARSAXAAFADEED:Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka (GMDHD)
    April 20, 2026
    Ciidamada amniga oo Khaarijiyay horjooge ka tirsan Khawaarijta
    April 19, 2026
    Wasiirka Cadaalladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shir muhiim ah
    April 19, 2026
    Shirweynihii Baarlamaannada Adduunka oo lagu soo gebo-gebeeyay Turkiga
    April 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ha fududeysan Diigniinahan ku aadan El-Nino (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: October 10, 2023
6 Min Read
Share

Roobab mahiigaan ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan dalkeenna, si gaar ah goobaha laga cabsi qabo waxaa ka mid ah Webiyada, Dhulka buuraleyda ah, kuwaasi oo labadoodaba ka dhalan karaan fatahaado iyo daadad aad u waaweyn, keenina kara khasaare isugu jira Maal iyo Nool. Hay’adda Maareynta masiibooyinka Qaran ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay fariin digniin ah oo ku aaddan in laga digtoonaado waxyeelada ka dhalan kara xaaladda El-Nino.

Sidoo kale, si ay u yaraato khataraha ka dhalan kara, waxay hey’addu bixisay digniino iyo talo-bixino xaaladda El-Nino isbuuclaha ahaa intii u dhacxeysay 28-september ilaa 4-ta October ee sanadkan 2023. Toddobada cisho oo ahaa usbuuca ugu dambeeya bishii September iyo isbuuca ugu horreeyay ee bishan October ee sanadkan, waxaana bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan 18-ka gobol ee dalka hey’addu maareeynta iyo masiibooyinka qaranka ku wargelisay in ay ka feejignaadaan khatar ay suurta-gal tahay in ay ka timaado Roob mahiigaan ah oo isbuucaan la filayo inuu da’o.

Goobaha sida gaar ah Roobabka la saadaaliyay waxay kala yihiin gobollada Bari,Sool, Sanaag, Waqooyiga galbeed, Nugaal, Hiiraan,Baay,Bakool, Shabeellaha hoose iyo Jubbada Dhexe ayaa la saadaaliyay in ay geysan karaan Khatar cabirkeedu sarreeyo, waxaana Bulshada ku dhaqan gobolladaasi ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan taxadar gaar ah oo ku aadan khatarta fatahaadda iyo daadadka Roobka ka imaanaya.

Dhammaan gobollada kale ee dalka, Roobabka la saadaaliyay waxay geysan karaan khatar cabirkeedu dhex-dhexaad yahay, balse hey’addu waxay ku wargelisay dadka ku nool gobolladaasi in ay haboon tahay in ay ka feejignaadaan Khatartaas El-Nino.

Waxaa kale oo Bulshada ku dhaqan hareeraha jiinka wabiga looga digay in ay aad uga feejignaadaan saameynta daadadka roobka ku yeelan karo naftooda iyo maalkooda gaar ahaan dadka ku nool gobollada Bari,Sool, Sanaag, Nugaal, Waqooyi Galbeed, Hiiraan iyo Shabeellaha hoose, waxaa sidoo kale, looga digay in ay iska ilaaliyaan toggaga biyuhu maraan, taas oo Khatar gelin karta naftooda, iyadoo ugu dambeyn, Hay’adda Maareynta iyo Masiibooyinka Qaranka ay guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed uga digtay in aysan deegaameysan ama guryo ka dhisan meelaha biyo-mareenka ah si ay u badbaadaan.

“Waxaa jira khatar ku aadden fatahaado ka dhalan kara Roobab la rajeynayno in ay ka da’aan dalka, sida lagu ogaaday saadaallo cilmi ku dhisan oo la sameeyey, taasi oo na-tusineysa in Roobab waaweyn oo waxyeelo geysan kara ay ka di’i karaan qeybo ka mid ah dalka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa, mar uu kormeer ku tegay Xaruunta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-garow ee digniinaha la xiriira Roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay ka saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaarahu wuxuu si gaar ah digniin ugu diray dadka degan Webiyada jiinkooda, kuwaasi oo halis gaara ugu jira daadad xoogga leh oo ku fataha, isaga oo ugu baaqay in ay ka fogaadaan hareeraha Webiga iyo dhulalka godan, wuxuuna ugu dambeyn ku booriyay Hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala dalku in si dhow ay ula shaqeeyaan Hey’adda SOMDA, si wadajir loogu diyaar garoobo masiibooyinka la soo werinayo, islamarkaana waxa uu ku adkeeyay Madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta Roobabka iyo fatahaadaha ku soo fool leh.

Waxaana aad ina soo gaaray, hey’adda maareynta musiibooyinka ku magacowday ogeysiiskeeda DIGNIIN, in saadaashu sheegayso Roobab mahiigaana oo ku soo wajahan dalkeena.

Hey’adda cilmibaarista badaha Soomaaliyeed, wey dareensaneed isbedelka cimillada ee la filan karo  xilli roobaadka Deyrta, laakiin waxay aad u eegeysay dhinaca Badda oo hadda ay ka soo saareyso baaqaan ay ku magacawday Digniinta L.2, ee ISBEDELKA XAALADDA BADDA EE LA FILA KARO IYO SIDAAN:

  1. IN ROOBAB BADAN OO GAARAYA SADDEX DALOOL ROOBKII DI’I JIRAY WAQTIGAAN, BADDANA DAADADKA DHULKA U BADDANA KU DA’AYAA SIDA BERRIGA.
  2. Daadadka Waadiyada iyo Webiyada waxay kor u sii qaadi karaan Heerka (Level) ka BADDA.
  3. Waxaana intaa la sii jira in Qorraxdu ay ka tallaabsatay DHULBARAHA, iyadoo Koonfur u socota 23 September 2023; HADDABA kuleylku wuxuu jiraa Deyrta Koonfurta Dhulbaraha, Waqooyiga Dhulbaruhu waa Diirimaad Qabow iyo BARAF Deyrta. Sidaa awgeed, waxaa aad u suuragal ah inuu Dhalaalo Barafka Badweynta Waqooyi “Artic” soona gaaraan Biyaha Barafku Badweynta Hindiya.

Haddaba sababaha Seddexda ah ee aan soo xusay iyo wax kale oo raaci karto waxay kordhin karaan heerka Badda: (Buuxin karaan) Kicin karaan, qasi karaan, taasoo ay suuragal tahay in Baddu soo gasho xeebaha Barriga oo ay wax ku yeesho magaalooyinka iyo tuulooyinka xeebaha Dalka, gaar ahaan Muqdisho oo Xeebteeda Godad laga qoday oo halis ah inay baddu soo gasho una soo gudubto Magaalada, gaar ahaan Bariga LIIDO sidoo kale Koonfurta Xalane oo haddaba biyihi Baddu ay ku jiraan.

Sidaas awgeed, waxaa habboonaan laheyd in Dowladda hoose ay arrintaas xal u helaan oo ah duugista godadka Xeebaha iyo dhisid Darbi ilaa 0.5 (Nus) Mitir ah meelaha qaarklood sida Koonfurta Xalane ee Muqdisho.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta XFS “Aqoonsiga Israel ee Somaliland waa xadgudub,waxaana u wajahaynaa si dublamaasi ah

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa'uud Aweys Jaamac ayaa ka dhaswaajiyay in dowladda Federaalka…

April 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shacabka gobolka Hiiraan oo garab istaagay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka Aboorreey

Buulo-burte-(SONNA)-Qeybaha kala duwan ee shacabka gobolka Hiiraan ayaa gurmad iyo garab istaag la dhic joogsaday Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka…

GudahaWararka
April 8, 2025

Wasiir Mukhtaar Roobow oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda DIYANET

Muqdisho,( SONNA):- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtar Roobow Cali ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho…

GudahaWararka
July 20, 2025

Akhriso magacyada dadka ku guuleystay shanta kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Doorashada shanta kursi ee kamid ahaa 11 kursi ee gobolada Waqooyi ee dalka oo ka socotay magaalada Muqdisho ayaa lagu…

GudahaWararka
September 30, 2021

Ciidanka Xooga oo hawlgalo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay Tuulada Quulaale ee Gobolka Hiiraan

SONNA (MUQDISHO) Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu burburinayo Argagixisada…

GudahaWararka
May 9, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023