Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in aan la gaari Karin wax nabad ah illaa Kyiv ay dib u soo ceshato dhulalka uu Ruushka qabsaday.
Madaxweynaha oo la hadlay qaar kamid ah warbahinta ayaa sheegay in xal kasta oo nabad ah la gaari karo haddi Ruushka ay dib uga laabtaan gobolada ay qabsadeen oo ay ku jirto Crimea.
Hadaladaan ayaa imaanaya xilli Gantaal riddada dheer ah uu ku dhacay shirkad gaar loo leeyahay oo ku taalla gudaha Vinnytsia waxaana ku dhaawacay saddex qof, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.
Dhinaca kale,diyaarad Drone ah oo laga leeyahay dalka Ukrain ayaa duqeysay magaalo ku taal galbeedka Ruushka, halkaas oo ay ku taallo xarun tamarta Nukliyeerka,waxaana warku intaa raaciyay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay warshaddaasi sida ay sheegeen saraakiisha Ruushka.