Koox ka mid ah saraakiisha sarsare ee ciidamada Dalka Gabon ayaa sheegay inay xukunka la wareegeen, daqiiqado kadib markii guddiga doorashada ee dalkaasi ay ku dhawaaqeen in madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.
Saraakiisha oo saacadihii hore ee maanta ka soo muuqday TV-ga Gabon ayaa sheegay in ay matalaan dhammaan ciidamada ammaanka iyo difaaca ee dalka,iyagoo intaa raaciyay in la laalay natiijada doorashada ee ka dhacday dalkaasi.
Ciidamada ayaa sheegay in madaxweynaha la galiyay xabsi guri la rumeysan yahay in uu ku yaallo xarunta madaxtooyada ee caasimadda Libreville .
” waxaan go’aansanay inaan difaacno nabadda anagoo meesha ka saarayna nidaamka hadda jira,” ayeey saraakiishu ku sheegeen hadal ay soo saareen.
Saraakiishaasi qabsaday Gaaboon ayaa kala diray xukuumadda, golaha guurtida, golayaasha qaranka, maxkamadda dastuuriga ah iyo guddiga doorashada,waxaana la xiray xuduudahana dalkaasi illaa amar dambe.