Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga Jeneraal Dalka Cali Maxamed Maxamuud ayaa kormeer howleed oo ku saabsanaa xaaladda ciidanka ku tagay fariisimaha ciidanka ee deegaanka Baarsanguuni.
Kormeerkaan ayaa la xiriiray dhiirigalinta ciidanka iyo dardargalinta howlgalka ka dhanka ah maleesjiyaadka Al-shabaab ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaanada Jubbooyinka,isagoo xusay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa kooxahaasi .
Taliyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan kuwa ku dhaqan Jubbooyinka ugu baaqay in ay garab istasagaan ciidamada ku jira la dagaalanka khawaarijta ee dhibaatooyinka ku hata dadka Soomaaliyeed.