Muqdisho.SONNA…Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshaha dowladda ee kaddib xoreynta dalka.
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay su’aalo furan oo shacab badani ka weydiiyeen la-dagaallanka Khawaarijta ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka soomaaliyeed ay u doonayaan in ay dhaqsi dalka uga xoreeyaan Khawaarijta iyo qorsheyaasha xaslinta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta isugu jira ee laga hirgalanayo deegaanada laga xoreynayo argagixisada.
Madaxweyne Xasan Sheekh “Waxaa iga go’an in aan tago deegaan walba oo Khawaarijta laga xoreeyo sidii aan horayba u tagay iyada oo la ii sheegayo in amnigeygu uu halis ku jiro. Ma jirto sabab aan dib isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan”.