Muqdisho(SONNA):-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwad Musuq-maasuq oo loo heysto ilaa afar Eedeysane oo ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.
Eedeysanayaasha ayaa labo ka mid ah dalka ka maqan, halka labada kale Maxkamadda la horkeenay.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa dacwada kusoo oogay Eedeysanayaashaan.